Donations

Ma jeceshahay inaad xoogaaga aad ugu yaboohdid inaad bulshadaada aad ku caawiso, hasayeeshee aanad garayn meel aad ka bilowdid. Bal hadda waxaad isaweydiisaa….

  1. Ballan qaad noocee ah ayaad jeclaan lahayd inaad jaalliyadaada u samaysid?
  2. Xirfad gooni ah ama waxyaabo aad hibo u leedahay oo aad jeceshahay inaad Ururkaaga Soomaaliyeed la wadaagtaa ma jirtaa?
  3. Ma jeceshahay inaad horumariso adeegyada lagu caawinayo Bulshadaada?

Fursadani yaanay ku dhaafin. Kaalmaynta Xaruntan Soomaaliyeed, waxay ku sii doontaa abaalmarino iyo aqoonsiyo. Iska wax u qabsanimada aad ku shaqayneysaa waxay kaa caawin doontaa:

  • Xiriiro badan oo aanad hore u aqoon
  • Khibrad shaqo oo qiimo leh
  •  Barasho iyo la kulan dad cusub
  • Qof noloshiisa oo aad isbedel ku samaysid

Jaaliyadaadu way kuu baahan tahay!

Arrimaha waayo aragnimada leh

Maadaama ay jaaliyadeenu sii kobcayso, waxa si weyn loogu baahan yahay dad, dadka u nasteexeeya iyo kuwa ku dayasho mudan. Fadlan kaalay oo la wadaag jaalkiyadaada aqoonta iyo xirfadahaaga. Waxyaabaha qiimahaha leh ee aad taqaanid la kaalay ha laga faaideystee.

Kaalaya oo waqtigiina ku yabooh Ardayaay!

Dhammaan Kanada, guddiyadooda waxbarasho waxay aradayda qasab kaga dhigaan oo ay manhajka ku dareen iskaa wax u qabso (volunteering). Ururka u adeega arrimaha Qoyska wuxuu bulshada u qabtaa adeegyo badan oo ku haboon ardaydu inay uga shaqeeyaan habka iskaa wax uqabso ah. Shaqooyinka noocaas ah waxay ku barayaan habaka aad u xoojiso wada shaqaynta, waayo aragnimo xirfadeed iyo xiriirka iyo la dhaqanka bulshadeed oo faaidooyin badan u leh mustaqbalka noloshaada.

Register to volunteer with SCFS

The Somali Centre for Family Services is a beneficiary agency of:

Wixii faah faahin intaa ka badan, fadlan la xiriir:

Ikram Ahmed
Settlement Volunteer Coordinator
Telephone: (613) 526-2075 ext. 231
Fax: (613) 526-2803

I.Ahmed@scfsottawa.org